Emre Can oo ka maqnaan doona Garoomada

Cayaaryahanka kooxda Liverpool ee Emre Can ayaa lacadeeyey in uu Garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman Xili Cayaareedkaan ka dib markii uu dhaawac soo gaaray.

Macalinka kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa cadeeyey in Cayaaryahankiisa Khadka dhexe ka dagaalama ee Emre Can uusan dheeli doonin inta ka dhiman xiligaan kadib uu dhaawac ka soo gaaray kulamadii xulka Jarmalka ee Saaxiibtinimo ee dhawaan dhacay.

Emre Can ayaa Liverpool u saftay xiligaan 35 kulan waxaana ka dhamaanaya qandaraaska uu kula joogo kooxda lamana oga in uu markale u dheeli doono iyo in kale maadaama la sheegay in uu ka dhaqaajin doono marka uu dhamaado Xili Cayaareedkaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook