Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xilka qaadis sameeyay

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilka qaaday Taliyihii Nabad Sugidda Gobolka Baay, kaasi oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Isgoowe Ibraahim.

Warqada xilka qaadista oo ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha KGS ayaa waxaa lagu ogeysiiyay Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka, Wasiirka Amniga Gudaha Koonfur Galbeed, Taliyaha Nabad Sugidda Qeybta Koonfur Galbeed, Taliyaha Booliska Qeybta Koonfur Galbeed iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 60-aad.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Shariif ayaa waxaa lagu sheegay sababta xilka looga qaaday Taliye Ibraahim in ay tahay kadib markii uu gudan waayay waajibaadka shaqo ee loo igmaday, lana shaqeyn waayay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Saraakiisha kale ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook