Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo booqday gobolka Oromada ay degto

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Ahmed oo booqday mid ka mid ah magaalooyinkii banaanbaxyo waaweyn oo loogaga soo horjeeday xukuumadii hore ee Ethiopia ayaa ballanqaaday in isbedel uu imanayo haddii shacabku ay dulqaad muujiyaan.

Mar uu khudbad u jeedinayay kumanaan ruux oo ku sugnaa garoon ku yaal magaalada Ambo ayuu ra’iisal Wasaare Ahmed sheegay in wadankiisu uu ku socdo “Wadada isbedelka iyo Jacaylka”sida ay shaacisay wakaalada wararka ee AFP.

Kadib markii uu la kulmay hogaamiyaasha dhaqanka muddo hal daqiiqo ahna loo aamusay dadkii ku dhintey banaanbaxyada ayaa laga soo xigtey Mr Abiy: “Waxaad cabashooyin ku muujiseen baahidiina,annagana waxaan naga go’an inaan xallino dhammaan mashaakilaadkiina,balse si aan guul ku gaarno waxaan idinkaga baahanahay taageeradiina.”

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook