Sheekh Shariif oo ka hadlay xiisada ka dhaxtaagan Soomaaliya iyo Imaaraadka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka dhax taagan dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Sheekh Shariif oo wareysi siinayay Tvga Al-carabiyah ayaa aad ugu hadlay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka iyo sidii xal looga gaari lahaa xiisada dublomaasiyadeed ee ka dhaxtaagan dowladahaasi.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadka uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo soo jireen ah.

Wuxuu yiri ”Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa ka dhaxeeya xiriir ganacsi, mid horomarineed iyo mid saaxibtinimoba”

Shariif wuxuu carabka ku adkeeyay in dowlada Imaaraadka ay Soomaaliya ka caawisay sanadihii dambe dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Sheekh Shariif ayaa ugu dambeyn baarlamaanka, xukumadda iyo madaxda dowlada ka dalbaday in xiisadaan ay dadaal dheer u galaan sidii loo xalin lahaa, wuxuuna intaas uu sii raaciyay in mararka qaar ay dhacaan arimahaan oo kale laakiin loo baahan yahay haddii is fahmi waa uu yimaada in si deg deg ah xal looga gaaro.

Maalmihii dambe ayaa waxaa cirka isku sii shareerayay xiisad dublomaasiyadeed oo ka dhaxtaagan dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka taas oo ka dhalatay dhor dhacdo oo ay ka mid yihiin, heshiiskii shirkada DP World ee Imaaraadka laga leeyahay ay la gashay Soomaaliland iyo lacago Imaaraadka ay laheed oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook