Uganda oo Canshuur kusoo rogaysa dadka isticmaala baraha bulshada

Dowlada Uganda ayaa wada qorshe uu canshuur ugu soo rogayo dadka isticmaala baraha bulshada ee kunool dalkaasi , waxaana talaabadan si gaar ah u saameeneysa dadka isticmaala Facebook, Twitter iyo Whatspka.

Wasiirka Dhaqaalaha dalka Uganda Matia Kasaija ayaa sheegay in dowlada wado qorshe a canshuur ugu soo rogeso dadka isicmaala baraha bulshada marka la gaaro bisha july ee sanadkan.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa dhawaan warqad uu u diray Wasiirka Maaliyada iyo saraakiil kale uga dalbaday in dadka xanta u isticmaala baraha bulshada ay muhiim tahay in canshuur lagu soo rogo.

Talaabadan dowlada Uganda wado ayna ku dooneyso in dadka isticmaala baraha bulshada canshuur ugu soo rogto waxaa canbaareeyay kooxaha u dooda xaquuqda aadanaha ee dalkaasi oo sheegay in falkan u muuqdo mid caburin ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook