Zinedine Zidane” Dad waxaa jira ka masayrsan Real Madrid

Macalinka kooxda kubada cagta Real Madrid Zinedine Zidane oo shir Jaraa id qabtay ayaa difaacay Go aankii kooxdiisa Rigoorada loogu dhigay kulankii ay ugu soo bexeen Wareega Semifinalka koobka Champions League.

Zinedine Zidane” Sax ayey ahayd in Rigoore lagu abaal mariyo Lucas Vazquez, waayo qalad cad ayuu ku galay Medhi Benatia aad ayaa loo buun buuniyey waxaanan dareemayaa in ay Jiraan dad ka masayrsan Real Madrid.

Zidane oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri Kubada cagta wax walba waa laga fishaa Marna adiga ayey ku siineysaa marna qolada kaa soo horjeeda marnana ismaan lahayn Garoonkaaga ayaa lagaaga dhalin doonaa 3 Gool balse Waan kadagaalanay oo waa soo baxnay.

Hogaamiyaha Real Madrid ayaa sidoo kale sheegay in kooxdiisu ay tahay tan aduunka ugu fiican isla Markaana ay sii ahaan doonto laakiin waxaa jira ayuu yiri dad kamasayrsan Hor u marka aan samayneyno.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook