10 Barcelona ah iyo 11 Real Madrid ah oo bareejo ku kala baxay+SAWIRRO

Kulankii El Clasicco ee Caalamka oo dhan laga Wada sugayey ayaa ku soo dhamaaday bareejo 2-2 ah waxaana kooxda Barcelona inta badan ku dheeshey kulankaan 10 Cayaaryahan markii Roose laga siiyey dhamaadkii qaybta hore daafaceeda Sergi Roberto.

Barcelona ayaa markasta laga bareejeynayey Goolasha markii uu 10 daqiiqo Goolka koowaad u dhaliyey Luis Suarez balse Cristiano Ronaldo ayaa Cayaarta 1-1 ka dhigay 15 daqiiqo iyada oo qaybta hore sidaa lagu kala Nastay.

Markii laysku soo laabtay qaybta labaad ee Cayaarta 52 daqiiqo Lionel Messi ayaa ugu shubay Real Madrid Goolkiisii 28 aad ee uu ka dhaliyo Cayaaraha El Clasicco balse waxaa dhankiisa u jawaabay Maadaama Ronaldo labadalay Gareth Bale oo 72 daqiiqo bareejo 2-2 ah keenay Cayaarta.

Waxa kaliya ee Barcelona kulankaan ka faa iidey ayaa ah in aan laga jabin Recordkeeda Guuldaro la aanta ah ee ay Xiligaan ku socdaan Halka Real Madrid ay iska difaacday Guuldaro ku soo gaarta Garoonka barcelona.

Inkasta oo aan sirasmi ah loo shaacin hadana Warbaahinta ayaa ku waraneysa in Cristiano Ronaldo loo badelay dhaawac anqawga ka soo gaaray lamana oga inta uu la egyahay dib ayaana laga soo sheegi doonaa.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook