Al-Shabaab oo soo bandhigtay filim ka hadlaya Xoogagooda Buuraha Galgala +Sawirro

Mu’asasada Al-kataa’ib oo ah garabka Warbaahinta u qaabilsan Al-shabaab ayaa baahisay filim cusub iyo sawiro ka hadlaya xoogaga kooxdaas ee ka dagaalamaya buuraha galgala ee gobolka Bari.

Filimkan ayaa lagu soo bandhigaya howlgallada ay xoogaga Al-shabaab ee Buuraha Goolis ka wadaan degaannada maamulka ‘Puntland.

Muuqaalkan oo la daawan karo muddo ka badan 40 daqiiqo ayaa lagu soo bandhigay dagaalkii lagu laayey ku dhowaad boqol askari oo ka tirsan ciidamada Puntland kaasoo bilo ka hor ka dhacay dhacay degaanka Af-urur ee duleedka Magaalada Boosaaso.

Waxaa sidoo ka muuqanaya filimkan qaabka ay u nool yihiin Al-shabaab ku nool buuraha galgala, dagaalyahano ku dabaalanaya waro biyoodyo iyo dooxooyin ku dhex yaalla buuraha ayaa ka mid ah waxyaabaha filimkan lagu arki karo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook