Cabdiweli Gaas oo deg deg ugu laabtay Garoowe, kuna dhawaaqay Dagaal Cusub+COD

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay dib ugu laabtay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, kadib markii uu ka soo laabtay magaalada Baydhabo oo uu kaga qeyb galay shirka madaxda maamul goboleedyada.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ku soo dhaweeyay Wasiiro, XIldhibaano, Saraakiil ciidan, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno kale.

Gaas ayaa intaasi kadib wuxuu la hadlay warbaahinta, Madaxweynaha Puntland oo ay ka muuqato caro fara badan ayaa sheegay dagaalka degaanka Tukaraq inuu sii socon doono inta Puntland ay ka xureynayso deganada ka maqan sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Gaas wuxuu daboolka ka qaaday in marnaba uusan istaagi doonin dagaalka inta degaanada Sool ee gacanta Puntland ka maqan yihiin.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa isku hor fadhiya degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay dagaalo kala duwan ku dhexmareen labada dhinac.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook