Ciidanka Israel oo laayay Falastiiniyiin badan +SAWIRRO

Ugu yaraan 52 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa Isniintii lagu dilay Marinka Gaza, halka in ka badan 2,700 oo kalena lagu dhaawacay, ka dib markii Ciidanka Israel ay dad bannaanbaxayaal u adeegsadeen rasaasta nool nool.

Kumanaan reer Falastiin ayaa isugu soo baxay Marinka Gaza, iyagoo ka careysan Dowladda Mareykanka oo safaaradeeda Israel u wareejisay magaalada barakeysan ee Qudus.

Ciidanka Israel ayaa la sheegay in dad aan hubeysnayn ay u adeegsadeen rasaasta nool nool, bambooyin iyo sunta dadka kaga ilmeysiisa.

Dadka ay sida ula kaca u laayeen Ciidanka Maamulka Yahuudda ayaa waxaa ku jira dumar iyo carruur, sida ay sheegeen Saraakiisha Falastiiniyiinta.

Hogaamiye-yaasha dunida ayaa si deg deg ahi uga jawaabay xasuuqa dhacay, waxayna si isu mida ugu baaqeen in la joojiyo dhiigga dadka rayidka ee la daadinayo.

Maamulka Israel ayaa ku andacoonaya inay ka hortaggeen bannaanbaxayaal doonayay inay burburiyan xuduuda kala qaybisa labada dhinac.

Benjamin Netanyahu, Ra’iisal Wasaaraha Israel oo ka hadlay waxa Gaza ka dhacay ayaa ku macneeyay tallaabo ay Israel isu difaaceysay.

Waa khasaarihii ugu badnaa oo Ciidanka Israel ay maalin qura u gaystaan dadka reer Falastiin, tan iyo sanadkii 2014.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook