Dacwo ka dhan ah Safiirka Soomaaliya ee K,Afrika oo loo gudbiyay Xukuumada

Muwaadiniinta Soomaaliyeed eek u nool dalka koonfur Afrika ayaa walaac ka muujinaya shaqada safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalkaasi,

Eedeymo kala duwan oo loo jeediyay danjiraha Dowlada Soomaaliyeed ee Dalkaasi K/Afrika Mudane Jamaal Baroow ayaa waxaa ka mid ah inuu kala qeybinayo Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalkaasi,

Afhayeen u hadlay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalkaasi oo lagu magacaabo Jeelle Cali Nuur ayaa sheegay inuu Safiir Jamaal Barow la saftay koox lagu yaqaano iska horkeenida jaaliyada waxaana uu sheegay inuusan gudan Karin shaqadiisa,

Mudane jeelle Cali Nuur oo ka sheekeeyay dhibaatooyinka uu safiirka ku hayo Umada Soomaaliyeed eek u nool K,Afrika ayaa Dowlada dhexe ugu baaqay inay dib u eegis ku sameeyaan shaqada safaarada Soomaaliya ee Dalkaasi.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook