Gen. Gorod “Guddoomiyihii degmadiisa nadiifin waaya in la xiro ayuu mudan yahay”+COD

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen,Cabduweli Jaamac GorGorodod ayaa sheegay in magalada Muqdisho xilligaan ay tahay mid qashin uu ka buuxo,isla markaana taasi aysan macquul aheyn.

Waxa uu sheegay taliyuhu in Magaladu Muqdisho ay tahay mid dayacan oo lagu arkayo qashin farabadan taasina ay masuul ka yihiin Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka gaabiyey in shacabkooda ay ku dhiirageliyaan.

“Runtii aniga maba aqbaleyn in magalada in ay qashin u dayacan tahay,waxad arkeysaa qashin iyo biyo dhex yaallo magalada gudaheeda,waxana masuul ka ah gudoomiyaasha,taasi waxay tahay waa in la xiraa guddoomiyihii qashin lagu arkaa degmadiisa ayuu yiri taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliya.

Hadalka taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho eng,Cabdiraxmaan Yariisow uu mar walba sheego in muhiimada 1aad ee gobolka Banaadir uu yahay dhanka nadaafada.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Gen. Gorod “Guddoomiyihii degmadiisa nadiifin waaya in la xiro ayuu mudan yahay”+COD”

  1. Nuurkanederland says:

    KKKKKKKKKK.
    WAA WAX LAGU QOSLO.
    TALIYAHAAN HA LOO SHEEGO SHAQADIISU WAXAY TAHAY!.
    NADAAFADA MUQDISHO SHAQADIISA MA AHA
    BERINA WAXBARASHADUU KA HADLI DOONAA!.
    WAA JANAN WAXAAN LOO DIRSAN KA HADALAYA
    FAARUQ.COM
    KANI WAABA DONALD TRUMP OOKALE FAARUQ MARAN. KKKKKK

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook