Giggi Buffon oo xaqiijiyay inuu Juve isaga tagayo

Goolhaye Giggi Buffon ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday inuu Juventus isaga tagaayo marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.

Buffon ayaa soo gaba gabeyn doono 17-sano oo uu Juventus ka tirsanaa asigoo u cayaaray 655-kulan.

Buffon wuxuu yiri “Sabtiga kulankeyga ugu dambeeyo ayaan Juve u cayaari doonaa, waana habka ugu wanaagsan ee aan kusoo gaba gabeyn lahaa waqtiga cajiibka badan ee aan Juve lasoo qaatay”

“Inaan waayaheyga Juve kusoo gaba gabeeyo labo koob waa wax aad u muhiim ah, waana u mahad celinaa dhamaan maamulka, cayaartooyda iyo taageerayaasha Juve”

Madaxweynaha Juventus Andrea Agnelli ayaa sheegay in Buffon uu baxaayo balse cayaaraha ka fariisan doonin asigoo dalabyo kala duwan ka helaayo naadiyo caan ah.

Waxaana xiiso u qabaan saxiixiisa kooxaha Liverpool, PSG iyo Real Madrid lamana ogo halka xiga ee Buffon u dhaqaaqi doono.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook