Hugunka Madaafiicda Culus oo Laga Maqlayo Galbeedka Tukaraq

Xogtii ugu dambaysay ee warbaahinta Wardoon.net ay ka helayso fariisimada jiidda hore ee ay ku dagaalamayaan ciidamada Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in ay hugunka madaafiicda si toos ah looga maqlayo aagaga dagaalka.

Hubka culus iyo rasaasta ciidanka lugta oo goos goos ah ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhacayso deegaamada dhanka buuraha ah ee galbeedka Tukaraq oo ay shalay dagaal xoogan uu ka dhacay

Xog cusub oo an helanayo ayaa cadeynaya in lafilayo in labada dhinac ay saacadihii ugu dambeeyey heleen gurmad xoogan saacadaha soo socdana laga cabsi qabo in dagaalku uu dib u bilowdo mana jiraan warar dheeraad ah oo ka madax banaan labada maamul oo hada la helayo

Gaadiidka dagaalka ee fara badan ayaa gaadhay jiidaha dagaalka ilaa hadda, waxaana la xaqiijinayaa in labada dhinacba ay hadda heleen gurmadyo ay ka kala keensadeen deegaanadooda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook