Man United Oo Barbaro Gool La’aan Ah La Soo Gashay West Ham +SAWIRRO

kulankii ugu dambeeyay wareega 37-aad ee horyalka Premier league waxaa wada ciyaaaray West Ham United iyo Manchester united ciyaar ka dhacday London Stadium.

united booska labaad ee kala sareynta horyaalka EPL ayey ku dhameysatay taasoo mudo dheer booskaani fadhisay xilli horyaalka city ay goor hore la hoyatay.

fursado kala duwan ayey sameysay united oo ay sare ugu sii qaadi kartay farqiga dhibcaha ay booska labaad ku fadhiso kooxdaani.

si walba ay ahaataba labada qeyb ee ciyaarta loogu tal galay wax gool ah liskma dhalinin hadii si kale loo dhahane 90-ka daqiiqo ee ciyaarta shabaqa wax gool ah lama soo taabsiinin.

hal kulan oo ay Tottenham wajahayso ayaa u harsan united kulankaasina waxaa ay dooneysaa Mauricio Pochettino kooxda uu hogaamiyo inuu ku xaqiijiyo booska afaraad ee kalas areynta horyaalka xilli united ay leedahay 78-dhibood waxaana kusoo xigta Tottenham oo 74-dhibcood leh halka booska afaraad ay fadhiso Reds oo 72-dhibcood shaqeysatay, waxaana lolanka booska afaraad ka marneyn Chelsea oo 70-dhibcood shaqyesatay.

si kastaba ciyaarta caawa waxaa ay kusoo idlaatay 0-0 oo ay labada dhinacbo ay is dhaafsan waayeen wax gool ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook