Mareykanka oo markii u horeysay ay Haweeney Madax ka noqotay Hey’adda Sirdoonka ee CIA

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa ansixiyay Haweeneydii u horeysay oo Madax ka noqota Hey’adda Sirdoonka ee CIA, kaasoo dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Trump.

Gina Haspel ayaa horay uga soo shaqeysay Hey’adda CIA-da, waxaana Aqalka Senate-ka uu ugu dambeyn ansixiyay magacaabideeda, kaddib kala qeybsanaan ka dhex jirtay Xisbiyada xubnaha ka ah aqalka.

Mike Pompeo oo horay u ahaa Madaxii hore ee Hey’adda Sirdoonka CIA ayaa xilka banneeyay , isagoo qabtay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda.

Senator John McCain oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa ka soo horjeeday in Haweeneyda ay madax ka noqotay CIA, waxaa lagu heystay barnaamijyo CIA fulisay oo dadka lagu jirdilay wixii ka dambeeyay 9/11.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook