Maxamed Saalax oo Xalay Aruursaday Abaal-marintii Liverpool+SAWIRRO

Maxamed Saalax waxaa loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee Liverpool ol’olahan gabagabada ah.

Laacibkan oo u dhashay Masar, kaas oo xilli ciyaareed wanaagsan ku qaatay Anfield ayaa qaatay labadii abaalarin ee la wada bixiyey xafladii xalay.

Salah waxa uu Liverpool kaga soo biiray Roma xagaagii hore waxa uuna dhaliyey 43 gool halka uu Reds ku hoggaamiyey fiinaalaha Champions League.

25 jirka oo loo magacaabay ciyaaryahankii bisha ayaa hore loo siiyey jaa’isada qoraayaasha kubadda cagta iyo PFA Player of the year 2017-18.

Trent Alexander-Arnold waxaa loo doortay da’yarkii ugu wanaagsanaa Liverpool kaddib markii uu ol’olihii kowaad tan iyo markii uu da’yarta ka soo baxay bandhigyo wanaagsan sameeyey -31 kulan ayuu dhamman tartamada ciyaaray.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook