Mohamed Salah oo ku guuleystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican horyaalka Premier League +SAWIRRO

Mohamed Salah ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican horyaalka Premier League oo ay bixiso shirkadda EA SPORTS isagoo ku garaacay kubad sameeyaha Man City Kevin de Bruyne.

Salah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aan caadi aheyn fasal ciyaareedkaan isagoo dhaliyay in ka badan 30-gool kulamada horyaalka Premier League, wuxuuna noqday xidigii ugu goolasha badnaa hal fasal ee kasoo jeeda qaaradda Africa.

Sidoo kale Mohamed Salah wuxuu noqday xidigii ugu horeeyay ee hal fasal ciyaareed abaalmarinta xiddiga bisha horyaalka ku guuleysta tiro saddex jeer ah taasoo ka dhigan in geesiga reer Masar uu wax weyn sameeyay.

Mohamed Salah wuxu yiri: “Waan faraxsanahay, sharaf ayeyna ii tahay inaan ku guuleysto” waxaana xusid mudan in imaatinkiisa Anfield ay u aheyd markii labaad oo uu ka ciyaaro Premier League maadaama uu Chelsea mar ka tirsanaa.

Mohamed Salah wuxuu garaacay abaalmarintaan ku garaacay Kevin De Bruyne, David De Gea, Harry Kane, Raheem Sterling iyo James Tarkowski.

Sidoo kale Salah wuxuu hantay Abaalmarinada xiddiga ugu fiican Premier Legue ee ay bixiyaan ururka xirfadlayaasha iyo sidoo kale ururka qorayaasha.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook