Pep Guardiola oo ku guuleystay abaal-marinta Macallinka sanadka ee Premier League +SAWIRRO

Maamulka horyaalka Premier League ayaa ku dhawaaqay in macallinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola uu ku guuleystay macallinka ugu fiicnaa xilli ciyaareedka horyaalka Ingiriiska, iyadoo abaal-marintan ay ku tartamayeen lix tababare oo uu isagu ka mid ahaa.

Tababaraha reer Spain ayaa ee Guardiola ayaa xilli ciyaareed cajiib ah kaddib kooxdiisa Manchester City ku hoggaamiyey inay ku guuleysato Premier League 2017-18.

Kooxda Sky Blue ayaa ku dhammaysatay kaalinta koowaad ee horyaalka iyadoo Premier League ku qaaday 100-dhibcood, waxaana ay sidoo kale noqdeen ugu guulaha badnayd Premier Legaue iyo kooxda dhalisay goolasha ugu badan oo waxa ay dhaliyeen 106 gool.

Pep Guardiola ayaa abaal-marintan macallinka ugu fiicnaa xilli ciyaareedka horyaalka Ingiriiska ku garaacay shanta tababare ee Jurgen Klopp (Liverpool), Sean Dyche (Burnley), Rafael Benitez (Newcastle United), Roy Hodgson (Crystal Palace) iyo Chris Hughton (Brighton & Hove Albion).

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook