Qarax Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay laamiga hor mara xerada Saban Saban ee magaalada Muqdidho, waxaana qaraxan lala eegtay gaari Tikniko ah ay wateen ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya.

Goobjooge ayaa noo sheegay in Qaraxa Miino lagu aasay laamiga dhinaca xigta Kulliyada Jaalle Siyaad ay degan yihiin Ciidamo AMISOM katirsan, waxaana qaraxa uu dhacay xili halkaasi uu marayay gaari Nuuca Dagaalka .

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacmay hal nin oo gaari dameer waday oo halkaasi marayay, waxaana qaraxaasi ka bad baaday gaarigii Tiknikada iyo ciidankii saarnaa ee la doonayay in lagu waxyeeleeyo.

Qaraxa Miino kadib ayaa rasaas waxaa furay ciidankii Milatariga ee qaraxa ka bad baaday, lamana soo sheegin wax khasaaro ah oo rasaastaasi ay fureen ciidanka Milatariga dad shacab ah kasoo gaaray.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook