QM oo war ka soo saartay colaada ka taagan Tukaraq

Qaramada Midoobay ayaa waxay ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Tukaraq oo ay isku heystaan ciidan ka kala tirsan maamulada Somaliland iyo Puntland.

Shalay oo ugu dambeysay waxaa dagaal uu dhexmaray ciidanka Somaliland iyo Puntland, wuxuuna dagaalkaas geystay khasaare kala duwan oo labada dhinac soo gaaray, maadaama uu socday ilaa gelinkii dambe.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa war qroaal ah oo uu soo saaray wuxuu ku sheegay in colaad aysan waxba tareyn balse loo baahan yahay in xasarada loo bedelo wada hadal labada dhinac ay yeeshaan.

Qaramada Midoobay waxay labada maamul ku boorineysaa inay wada hadal yeeshaan, ayna muhiim tahay in ay gaaraan heshiis xabad joojin iyo mid siyaasadeed, ka Hay’ad ahaan mar walba waxaan taageernaa nabadda, colaada waxaa ka dhasha in la waayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.” Ayuu yiri Micheal Keating.

Danjiraha QM ee Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo kan Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ka dalbaday inay si deg deg ah khilaafkooda ugu raadiyaan xal nabadeed, si loo badbaadiyo dad badan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “QM oo war ka soo saartay colaada ka taagan Tukaraq”

  1. Nuurkanederland says:

    MICHEAL KAETING BAAN IDIIN SHEEGAYAA
    1)WAA GUUMEYSTE SHAATI SHARCIYEYSAN LOO SOO GALIYEY.
    2)WAA NINKA ISKU DHUFTA MAAMULADA DALKA.
    3)WAA AY HOOS TAGAAN DFS,MAAMUL GOBOLEEDADA,ISIS,ALSHABAB,AMISOM IWM.
    4)WAA NINKA KU BARYO TAGA MAGACA SOMALIYED DABADEEDNA KU DUL CUNA SHACABKA WAXAY DUNIDU UGU SOO DHIIBTAY(MUSUQMAASUQA AABIHII)
    5)WAA CUNSURI WEYN WHY? QOF SOMALI AH AMA ASALKIISU SOMALI YAHAY LOOMA OGOLO XALANE INUU KA SHAQEEYO.TOLOOW XALANE MA LONDON BAY KU TAAL MISE MUQDISHO.
    6)WAA NINKA XALANE DEJIYEY 150 COMPANY OO TUUGO AH, OO MAGACA (UN) KU QARAABTA,
    ISKU SOO XOORIYOO MICHAEL KEATING WAA FAYRUS KU DHACA SOMALIYA.
    GO FUCK YOUR SELF.
    IS WEYDII MAXAA KULMIYEY BOOQASHADIISII IYO DAGAALADAAS?.
    MICHEAL BAA ABUURAY DAGAALADAAS SI UU UGU BAARTO QASNADA (UN).
    SOMALIYEY FURA INDHAHA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook