R/wasaare Kheyre iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibada oo Muran & Khilaaf ku kala tagay

Warar hoose oo ay heleyso wakaalada Wardoon.net ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uusoo kala dhex galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa ka xumaaday in laga reebay wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya ee Dalka Qatar, wuxuuna Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u gudbiyay dacwad ka dhan ah qaar ka mid ah wasiiradda oo shaqada isaga loogu tala galay faraha kuka jira ama kaga horeeya.

Kheyre ayaa u sheegay Wasiirka arrimaha dibada in Dowlada Soomaaliya ay go’aan ka gaareyso cid kasta oo ka mid noqoneysa wafdiga Madaxweynaha, arintaas ayaana sababtay inuu ka caroodo Mudane Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa safarka Madaxweynaha ee Doha waxaa looga reebay inuu dadaal ugu jiro soo celinta xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya, waxaana Dowlada Federaalka ay u muuqataa in aysan dan ka laheyn xiriirka Imaaraadka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “R/wasaare Kheyre iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibada oo Muran & Khilaaf ku kala tagay”

  1. Nuurkanederland says:

    IS ISIS GOOD FOR THE JEWS.
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE
    ISN’T MOSLIMS. sure.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook