Rag sheegtay in ay ka tirsan yihiin Daacish oo gacanta lagu dhigay +COD

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley C/raxmaan Axmed Cali ayaa waxa uu sheegay in ciidanka ammaanka degaanka ay gacanta ku dhigeen burcad hubeysan oo dhibaato ku heysay shacabka degan degaanka.

Wuxuu sheegay soo qabashada raggan inay ka dambeysay kadib markii ay si adag u shaqeeyeen ciidanka ammaanka, ragga la soo qabtay oo ku jira gacanta Hay’adaha ammaanka ayuu tilmaamay in ay gaarayaan ilaa laba nin oo hubeysan,watana dareeska ciidanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay raggan in ay dhibaato ku hayeen shacabka ku dhaqan degaanka oo ay ugu hanjabayeen in ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, sidaasina ay lacag uga qaadanayeen, balse markii dambe la ogaaday in ay yihin ciidan ka tirsan kuwa xoogga dalka gaar ahaan guutada labaad.

“Ciidanka ammaanka waxay ku guuleysteen in ay soo qabtaan niman burcad ah oo ku labisan dareeska Millitariga, sheegtay in ay Daacish yihiin, guryo xabadeeyay, guryo kale oo dhisme ka socotay joojiyay, intaasi kadib maamulka iyo Hay’adaha ammaanka ayaa ku baxay gacanta ayaa lagu soo dhigay sharciga ayaa la horgeyn doonaa.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Garasbaaley.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Rag sheegtay in ay ka tirsan yihiin Daacish oo gacanta lagu dhigay +COD”

  1. Nuurkanederland says:

    D I G N I I N.
    —————.
    WHO REALY IS ISIS?!.
    I=ISRAELI
    S=SECRET
    I=INTELLIGENCE
    S=SERVICE.
    ——————/.
    IS ISIS GOOD FOR THE JEWS.
    ISIS LEADER ABUBAKR ALBAGHDADI EX-NAME ELLIOTE SHIMON 100% HE WAS MOSSAD AGENT.
    ISIS THEY NEVER ATTACK ISRAEL!.WHY NOT? ISIS MADE IN ISRAELI.
    ISIS WORK=GREATER ISRAELI PROJECT & PLANS.
    ISIS ISN’T ISLAM & MOSLIMS!.
    THEY ARE DEALERS=QANDARAASLAYAAL DHIIGEENA SIISTA KAASH.
    LACNATALAAHI JAMIICAN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook