Shirka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo goordhaw furmay+SAWIRRO

Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xaruna KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka furmay Shirkii labaad ee isugu yimaadaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan waxaa shir gudoominaya Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaana ka qeyb galaya dhamaan madax Dowlad goboleedyada.

Furitaanka shirkan waxaa khudbado ka jeedinaya Madaxda ka qeyb galeysa, waxaana Madaxda qaar ee kulanka ka hadlay dowlada Federaalka Soomaaliya ku eedeeyeen in ay kasoo horjeedo nidaamka Federaalka.

Shirkan goordhaw ka furmay magaalada Baydhabo ayaa xoogiisa looga hadli donaa khilaafka dowlada Federaalka kala dhaxeeya dowlada Imaaraadka iyo khilaafka dowlada dhaxe kala dhaxeeya qaar kamid ah maamul goboleedyada.

Gabo gabada shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ay isku raacsan yihiin Madaxda ka qeyb galeysa shirka , waxaana qorista War Murtiyeedka loo saaray guddiyo matalaya maamulada dalka ka jira.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook