Super Mario Oo Guul Guursiiyay Xulkiisa

Ka dib markii macallin Roberto Mancini uu qabtay shaqada tababarennimo ee xulka qaranka Italy waxaa rajjo weyn ay kasoo gashay xulka qaranka Azuri ciyaaryahanka kooxda Nice ee Mario Balotelli oo aan dhowaanahan loo magacaabin safka xulka qaranka Italy.

Xulka qaranka sacuudiga ayaa ay la ciyaareen kullan saaxiibtinnimo oo ay wadamada qaar isugu diyaarinayaan koobka adduunka, walow aysan talyaaniga ka qayb galeyn sanadkan haddane waxa ay kaga adkaadeen dhiggooda natiijo 2-1 ah.

Super Mario Balotelli ayaa lasoo laabtay qaab ciyaareed wanaagsan isagoo qayb lixdaad leh ka qaatay guushii Roberto Mancini ee kullankiisii ugu horreeyay ee Azuri, waxaana Balotelli uu shabaqa geliyay goolkii furitaanka ee ciyaarta.

Weeraryahanka kooxda Nice oo ka maqnaa xulka qaranka Italy tan iyo koobkii adduunka ee 2014 ayaa markii ugu horreysay waxaa dib ugu yeeray macallin Mancini oo ay iskala soo shaqeeyeen kooxda Manchester City, waxaana ay kuu qaadatay inuu gool dhaliyo keliya 21 daqiiqo.

Waxa uu ahaa goolkii ugu horreeyay ee uu u dhaliyo Azzuri tan iyo markii uu goolka guusha ka dhaliyay xulka qaranka England kullan ka tirsanaa heerka Group-yada ee koobkii adduunka 2014 lagu qabtay Brazil.

Andre Belti oo bedel kusoo galay ayaa dhaliyay goolkii labaad ee Italy, halka sacuudiga ay gool madi ah ka heleen Yahya Al-Sheri, waxa ayna ciyaarta ku dhammaatay 2-1 oo uu macallin Roberto Mancini guushiisii ugu horreysay ee xulkiisa ku hooggaamiyay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook