Tababare David Moyes oo ka tagayo kooxda West Ham United

West Ham United ayaa xaqiijisay in macallinkeeda David Moyes uu ka tagayo kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan.

The Hammers ayaa shaaca ka qaaday in tababaraha reer Scottish aan heshiiska loo cusboonaysiin doonin, iyadoo qandaraaskiisu uu ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Moyes caawiyeyaashiisa Alan Irvine, Stuart Pearce iyo Billy McKinlay ayaa sidoo kale ka tagi doona London Stadium.

Moyes ayaa kooxda West Ham shaqadeeda qabtay bishii November ee la soo dhaafay, waxaana uu saxiixay heshiis lix bilood ah, kaddib markii kooxdaas laga ceyriyey Slaven Bilic.

Hadda Moyes ayaa isaga tagi doona kooxda Hammers marka uu dhammaysto heshiiskiisa uu kula jiro dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Macallinkii hore ee kooxaha Manchester United iyo Everton ayaa kooxda West Ham ku hoggaamiyey xilli ciyaareedkan inay ku dhammaysato kaalinta 13-aad ee kala horreynta horyaalka Premier League.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook