Tababare Sam Allardyce oo isaga tagay kooxda Everton

Macallin Sam Allardyce ayaa isaga tagay kooxda Everton, waxaana go’aankaas uu ku tagay uu ku tilmaamay mid la aqbali karo.

Tababarihii hore ee xulka qaranka England ayaa kulan socday muddo saacad ah oo saakay ka dhacay garoonka Goodison Park loogu sheegay go’aanka ah inuu isaga tago kooxda, sida ay sheegayso Sky Sports News.

Allardyce iyo ninka wax ka leh kooxda ee Farhad Moshiri ayaa sheegay inay heshiis si wadajir ah ay u gaareen labadooda ay soo gabagabeeyeen shaqadii ay wada hayeen, isla markaana uu baxayo Big Sam.

Xubnaha kale ee Allardyce kala tirsanaa kooxda oo ay ku jiraan Sammy Lee, Craig Shakespeare iyo Martyn Margetson ayaa sidoo kale kooxda ka tagay.

63-sano jirkaan ayaa la soo warinayaa in la siiyey lacag lagu qiyaasayo 6 milyan oo gini maadaama heshiiskiisa uu ka harsanaa 12 bilood.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook