Turkiga oo u yeeratay Safiiradii u fadhiyay Israel iyo Maraykanka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyay Israel inay geysatay xasuuq waxana uu cambaareeyay rarintaanka safaarada Maraykanka loo soo raray magaalada Qudus.

Turkiga ayaa u yeeray safiiradiisii Israel iyo Maraykanka kadib markii dad ka badan lixdan ruux oo Falastiiniyiin ah lagu diley banaanbaxyo loogaga soo horjeeday safaarada ay dowlada Maraykanka ka furatay magaalada Barakaysan ee Qudus.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag ayaa sheegay in diblumaasiyiintan oo fadhigoodu kala ahaa Tel Aviv iyo Washington la amray inay dib ugu soo laabtaan Turkiga si wadatashi looga yeesho falalka ay ka kaceen Israel iyo Maraykanka.

Sidoo kale dowlada Turkiga ayaa ku dhowaaqday saddex maalin oo baroordiiq ah oo loo sameynayo dadkii Falastiiniyiinta ahaa ee lagu diley magaalada Qaza.

Xukuumada Ankara ayaa waxa ay ugu yeertay dalalka Islaamka ah inay kulan deg-deg ah isugu yimaadaan toddobaadkan waxana ay baaq u dirtay Golaha Ammaanka in fadhi aan caadi ahayn ka yeesho arrinta xasuuqa ay ciidamada Yuhuudu ka geysteen Qaza.

Ciidamada Israel ayaa rasaas nool nool iyo sunta ilmada ka keenta dadka ku isticmaalay banaabaxyo lagu diidanaa furitaanka ay dowlada Maraykanku ka furatay safaaradeeda magaalada Qudus waxaana ku dhintey dad ku dhow lixdan ruux halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 2,700.

Tallaabada ay dib ugu yeeratay safiiradeeda Israel iyo Maraykanka dowlada Turkiga ayaa waxaa sidoo kale qaaday xukuumada Koofur Afrika oo ku eedeysay xukuumada Israel xoogga ay u isticmaashay dad banaanbaxyo dhigayay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook