Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Tukaraq + cod

Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saakay xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi ay tahay mid dagan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in xaalad deganaansho ah oo aan cago badan ku taagneyn laga dareemayo gudaha deegaankaasi.

Welina waxaa halkaasi isku hor fadhiya Ciidamo kala taabacsan maamullada Soomaaliland iyo Puntland.

Dhinaca kale Imaam Cumar Macalin Abshir oo ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dagaalladaasi.

Waxaana uu ugu baaqay madaxda maamullada S/land iyo Puntland in wax weliba ay ku dhameeyaan wada hadal.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook