Wasiiro Katirsan Puntland oo Gaarey Goobihii Lagu Daagalay+SAWIRRO

Wararka naga soo gaaraya deegaanada Tukaraq & Gamaraba ayaa sheegaya in dagaal culus uu duhurnimadii maanta mar kale ka dhacay deegaanka Tukaraq oo ay ciidamada Somaliland awoodooda oo dhan iskugu keenen, kadib markii dagaalkii dhanka Galbeedka siweyn laysugu haleelay.

Wariye kusugan deegaanka Gambara ayaa sheegay in galbeedka deegaankaas uu ka dhacay dagaal adag oo kudhawaaday in laga qabsado Soomaaliland mid kamid ah talisyada ugu waa weyn, inkastoo Soomaaliland ay beenisay in fariisimo laga qabsaday.

Fariisimada maanta dagaalku uu ka dhacay waxaa garey wafti wasiiro ah oo uu kamid yahay wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka golayaasha ahna afhayeenka madaxtooyada dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook