Xildhibaan Maxamuud Sheikh Siraaji oo jirdil culus loogu geystay Nairobi

Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo ka tirsan golaha shacabka Somalia ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla Magaaladda Nairobi, ka dib, markii ay jir dileen ciidamo ka tirsan Booliska Kenya.

Mudanaha oo ay walaalo ahaayeen Wasiirkii la dilay ee Cabaas Shiikh Maxamuud Siraaji ayaa waaberigii shalay Isbitaalka la dhigay ka dib dhaawacyo ka soo gaaray jirdilka oo habeen hore loo geystay.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay inay ka shakiyeen gaariga uu la socday Xildhibaanka in la soo xaday.

“Xildhibaanka waxay Booliska weerareen ka dib markii nin ay saaxiib yihiin oo la socday uu ku soo dejiyey Xaafadda Westland ee Magaaladda Nairobi, wuxuuna Xildhibaanka ka badbaaday dhimasho” ayuu yiri weriye ku sugan magaalada Nairobi.

Booliska Kenya ayaa sheegay inuu shilkan dhacay xilli ay baacsanayeen gaari noociisu yahay Toyota lexus oo loo sheegay in laga soo xaday degaanka Kiambu.

Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji ayaa xilligii ay Booliska dhaawacayeen watay Gaari uu soo kireystay oo noociisu ahaa Toyota RAV4, sababta ay Booliska Kenya u beegsadeena illaa hadda ma cadda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook