BELGIUM IYO ENGLAND OO KASOO GUDBAY GROUP H +SAWIRRO+VIDEO

Ciyaarahan oo ay qaybtoodi hore kusoo gabagaboobay Belgium iyo Englan oo kukala nastay barbaro goolal la’aan ah iyo Panama oo gool ku horkacaysay Panama.

Markii dib la isugu soo laabtay ciyaartii u dhxaysay Belgium aya kubilaabtay jawi u wacan Belgium oo lawareegay xukunka ciyaarta taas oo usuurta galisay in ay gaaraan shabqa oo waridiyaha ka ahaa Pickford.

Waxaan xidigaha Belgium goolkaas u ansixiyay xidiga lagu magaacaabo Adnan Janusaj oo gool aad u qurux badna dabamariyay gool hayaha Englan daqiiqaddii 51-aad.

Ciyaarta oo halkeeda kasii socotay ayay xidigaha England ay isku dayeen in ay iska soo gudaan goolka lagu leeyayahay balse uma ausan suurta galin.

Ciyaarta ayaana waqtigii loogu talagalay kusoo idlaatay 1-0 oo ay ku adkaadeen xidigaha Belgium.

Ciyaartii kale ee guruubkan ayaa u dhaxaysay wadamada Panama iyo Tunisia oo labaduba macsalaameeyay koobka adduunka.

Xidigaha Panama ayaa laga soo barbareeyay gool ay ku horkaacyeen ciyaarta kaas uu qaybti hore uu iska dhaliyay xidiga Tunisia ee Yassine Meriah ayaa waxa tunisiyaanka u suurta gashay in ay iska soo barbareeyaan waxaana daqiiqaddi 51-aad Fakhreddine Ben Youssef.

Balse Tunisia oo bandhiggeeda sii wadata ayaa markan goolka guusha ay ka heleen kabtankooda Wahbi Khazri daqiiqaddi 66-aad.

Ciyaarta ayaana waqtigii loogu talagaly kusoo idlaatay 2-1 oo ay guushu kurraacday xidigaha Tunisia oo 3-dii dhibic u horraysay ka helay koobka adduunka wallow ay boorsooyinkooda ka xir xiran doonaan Russia.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook