Jaamac Karaaciin Wajahaya Afar Sano iyo bar Xabsi ah

Maxkamada ku taala dalka Spain ayaa lasheegay in uu dhawaan ka soo muuqan doono Macalin Soomaali ah oo lagu Magacaabo Jaamac Karaaciin kaas oo Sanadkii 2016 lagu xiray magaalada Barcelona.

Jaamac Karaaciin oo mar macalin u soo Noqdey orodyahanaka Soomaaliga ah balse haysta dhalsahada dalka England ee Mo Farah ayaa lagu eedeeyey in uu Cayaartoy siiyey daraagiska ka mamnuuca ah Orodyahanada waxaana ilaa 2016 ku socdey baaritaan arintaas laxiriira.

Ninakaan ayaa ka imaan dooma dalka Qatar kadib markii damiin lagu siidaayey Waxaana damiintay Xiriirka Cayaaraha fudud ee dalka Qatar waxaana lacadeeyey in hadii lagu helo danbiga loo haysto uu Wajihi doono ugu yaraan Afar Sano iyo bar Xabsi ah.

Dacawada loo haysto Macalin Jaamac Aadan Karaaciin oo mar ahaan jirey Cayaaryahan orodka ka qayb qaata isla Markaana in badan Matalay qaranka Soomaaliya ayaa waxaa soo oogey Gudiga ladagaalanka daraagiska ee Magacooda loosoo gaabiyo EPO waxaana markii laxirayey laga qabtay Gobolka Catalonia ee dalka Spain bishii June 2016 markaas oo uu Macalin u ahaa Orodyahaanad u dhalatay dalka Itoobiya oo lagu Magacaabo Genzebe Dibaba.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook