Khilaafka Madaxda Galmudug oo sii Xumaanaya

Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Sare ee maamulka Galmudug ayaa lagu guuldareystay in wax laga qabto, iyadoo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay ku kala sugan yihiin Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa dhawaan ka furay Magaalada Cadaado kalfadhiga xildhibaanada Galmudug,iyadoo halkaasi ay joogeen tiro aan dhameystirneyn taasoo sii xumeysay Khilaafka Madaxda Sare ee Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa dhankiisa Magaalada Dhuusamareeb ka wadda qabanqaabadda Magacaabista Golaha Wasiiradda maamulka Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda ka gaabsatay Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug, waxaana hadda muuqata in maamulka Galmudug uu labo u kala jabay.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa wali ku doodaya in Madaxweyne Xaaf uu hareermaray Dastuurkii Galmudug ee la sameeyay 2015-kii.

Halka Madaxweyne Xaaf uu dhagaha ka fureystay eedaha kaga imaanaya Madaxda Galmudug ee ku sugan Cadaado.

Bulshada Galmudug ayaa u arka khilaafka Madaxda Galmudug mid dhibaato ku ah horumarka laga filayey maamulkan oo noqday mid khilaaf u joog ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook