Manchester City oo heshiis shaqsiga ah lagaartay Jorginho

Kooxda Kubada cagta Manchester City ayaa lasheegayaa in ay heshiis lagaartay Xiddiga kooxda Napoli ee lagu Magacaabo Jorginho kaas oo ay doonayeen in badan.

Manchester City ayaa ku soo qaadaneysa Jorginho lacag dhan €50 million (£44m/$59m) waxaana uu Saxiixi doonaa heshiis gaaraya 5 Sano ah oo uu ku qaadan doono mushaar ka badan kan uu hadda ka qaato Napoli.

Madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis.ayaa dhankiisa sheegay in Cayaaryahankiisa Jorginho uu kusii jeedo dalka England isla Markaana dhawaan lagu dhawaaqi doono heshiiska labada dhinac.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook