Maradona oo la dhigay Isbitaalka ka dib ciyaartii xalay Argentina ay garaacday Nigeria+SAWIRRO+VIDEO

Halyeyga xulka qaranka dalka Argentina ee Diego Armando Maradona ayaa la dhigay isbitaalka ka dib markii ay soo idlaatay ciyaartii xalay ee xulka Argentina ay kasoo gudubtay xulka qaranka Nigeria ciyaar jilbo murux badan laga maray.

Maradona ayaa goob joog ka ahaa dhammaan saddexdii kullan ee ay Argentina ka ciyaartay Group-keeda, isagoo si aad ah dareen ula wadaagay ciyaartoyda xulkiisa.

Balse Ed Aarons oo wax ku qora The Guardian ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in Maradona xilli dambe la dhigay isbitaalka.

Waxaa sidoo kale Sports Illustrated ay soo bandhigtay muuqaal uu Maradona ku codsanayo in garabka laga qabto markii laga baxayay garoonka.

Ciyaaryahankii iyo macallinkii hore ee Albiceleste ayaa bilawgii bishan June isbitaalka tagay dhibaato la xiriirta Jilibka, waxaana mar kale lagu soo warramayaa in xanuunkii jilibka markale isbitaalka la aaday.

Mucaashaqiinta kubadda cagta ayaa caafimaad u rajeynaya mid ka mid ah ciyaartoyda lagu xasuusan doono koobka adduunka, xilli Argentina ay sabtida la ciyaari doonto xulka France.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook