Maraykanku wuxuu laba jibaarayaa ciidanka ka jooga Norway

Dowladda Norway ayaa ogolaatay in la kordhiyo ciidanka dowladda maraykanka ka jooga dalkan, kuwaasoo wax ka badan labo jibaar lagu soo kordhiyey.

Maraykanka oo ay horey uga joogeen dalkan 330 askari ayaa haatan la gaarsiinayaa illaa 700 oo askari, iyadoo wasiirka gaashaandhiga Norway uu filayo in arrintaas uu ruushku ka caroon doono.

– Maanta waxaan wada tashiyo la lahayn baarlamaanka, waxaanan uga helnay taageero buuxda joogitaanka ciidanka maraykanka ayey tiri Ine Eriksen Søreide (H) oo ah wasiirka arrimaha dibadda.

Waxaan sugnaaba waa in Ruushku ka fal celiyo sababtoo ah markasta oo dhoolatus ciidan aan la samayno NATO wuu ka jawaab celiyaa ayey tiri mar kale.

Wasiirka gaashaandhigga Frank Bakke-Jensen ayaa dhankiisa sheegay in xukuumaddu ay soo dhawaynayso joogitaanka xulafada maraykanka isla markaana ciidanka maraykanku ay tababaro iyo carbis ku samayn doonaan Norway shanta sano ee soo socota iyadoo loo sii dheerayn karo waqtiga.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook