Mareykanka oo shaaciyay Magaca Askarigii looga dilay Kismaayo +SAWIRRO

Waaxda Difaaca dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeesay shaacisay magaca , xogta iyo Sawirada askari katirsanaa ciidankooda oo Jimcihii looga dilay Deegaanka Baar Sanguuni oo kuyaala duleedka magaalada Kismaayo .

Askariga la dilay ayaa ahaa Sadex alifle Sgt. Alexander Conrad oo 26-sano jir ahaa, waxa uuna ka tirsanaa Ciidamada Mareykanka Guutadda 1-aad, Kooxda 3-aad ee Ciiddanka Khaaska ee uu fadhigooda dhexe ku yaallo gobolka North Carolina.

Waaxda Difaaca dalka Mareykanka ayaan wali shaacin magacyada iyo sawirada afar askari kale oo weerarka ka dhacay duleedka Kismaayo lagu dhaawacay, waxaana dhaawacyada askartan laga dhoofiyay garoonka Kismaayo.

Askarigan looga dilay Mareykanka gudaha Soomaaliya ayaa noqonaya kii labaad oo sanadkan looga dilo Soomaaliya, waxa ayna noqoneysaa markii ugu horeesay oo Mareykanka ciidamo looga dilo tan iyo waxii ka dambeeyay sanadkii 1993-dii oo 18 askari looga dilay Mareykanka magaalada Muqdisho .

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Mareykanka oo shaaciyay Magaca Askarigii looga dilay Kismaayo +SAWIRRO”

  1. NUURKANEDERLAND says:

    ADEER HAL DAQIIQO BAAN KU WEYNEY 623 QOF OO (DHIMASHO AH)& 600 QOF OO DHAAWAC AH 14/10/2017 QARAXII ZOOBE OK. RAMADANTANA HABEEN WALBA MUQDISHO 10-20 QOF BAA LAGU DILAA.
    ADNA WIIL YAR OO LA DILAY BAAD WAX WEYN NOOGA DHIGI (I DON’T CARE)
    ARGAGAXISO OO DHAN WAXAY HOOS TAGTAA WASHINGTON DC & TALAVIVE.
    IS ISIS GOOD FOR THE JEWS=ISRAELI.
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook