Maxay Tahay Sababta Uu Zidane Isaga Casilay Real Madrid?

Waxaa soo if baxay sababihii uu macallin Zinedine Zidane isaga casilay shaqadii tababarennimo ee kooxda Real Madrid inay salka ku hayaan arrimaha suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Macallin Zidane ayaa habeen ka hor is casilaaddiisa kala hadlay Florentino Perez qorashahiisa suuqa kala iibsiga ee xagaaga, balse inay isku fahmi waayeen saxiixyada uu rabo ayaa keentay in macallinka Faransiiska ah uu faarujiyo garoonka Bernabeu.

Zidane ayaa u sheegay madaxweyne Perez inuu doonayo saxiixa laacibka kooxda Chelsea ee Eden Hazard, balse arrintaasi waxaa kasoo hor jeestay Florentino Perez.

Sidoo kale Zidane ayaa doonayay inuu safkiisa kusoo daro Deavid De Gea oo ay Los Blancos muddo dheer ku raad joogtay, balse marka Perez ayaa ka madax adeegay isagoo sheegay inuu aaminsanyahay Keylor Navas.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook