Nin Soomaali ah oo weerar mindi kuweeraray masaajid ku yaal Cape Town

Nin Soomaali ah ayaa weerar loo adeegsaday mindi ku dilay labo ruux, halka saddex kalena uu dhaawacay masaajid ku yaalla magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa dhacday wax yar kaddib salaadii Tahjudka, waxaana ninka geystay falkan la sheegay inuu ahaa nin madaxa looga jiray ama xanuunka dhimirka.

Ciidamada Booliska ayaa markii dambe toogtay ninka ku hubeysnaa tooreyda, kaddib markii uu isku dayay inuu soo weeraro

Muslimiinta masaajidka ku cibaadeysanayay ayaa weerarkan argagax ku reebay, waxaana durba dadka masaajidka u yeereen Booliska.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook