Puntland oo war ka soo saartay Dadka ka soo jeeda S/land ee ku sugan deegaanadeeda +COD

Maamulka Puntland ayaa fariin u diray Qoysaska, Ganacsatada, Dhalinyaradda, Macalimiinta iyo Muwaadiniin u dhashay gobalada Waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland, kuna sugan gudaha gobalada Puntland, waxayna sheegtay in aysan jirin cid waxyeelo noocay ay tahayba u geysan karta oo ay joogaan dalkoodii Hooyo.

Hadalkaan ka soo yeeray Maamulka Puntland ayaa ku soo aadaya,xilli ay taagan tahay Xiisad u dhaxeyso Maamulada Puntland iyo Somaliland,kaasi oo xoogeeda laga dareemayo Gobolka Sool.

Sidoo kale,waxay ku soo aadeysa,iyadoo dhawaan hadal ka soo yeeray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID,ayaa ku baaqay iney ka baxaan ardayda Puntland ka soo jeedo ee Somaliland wax kabarato.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook