Senegal oo Taariikh Cusub ku soo kordhisey koobka aduunka+SAWIRRO

Xulka kubada cagta dalka Senegal oo ahaa dalkii ugu danbeeyey ee Africa ah ee ka soo hara Koobka aduunka ayaa Taariikh Cusub ku soo siyaadiyey koobka dunida kaas oo dhawaan lagu soo kordhiyey sharciyo cusub.

Dalka Senegal oo 1-0 uu ku Garaacay dhigiisa Colombia ayaa loo diiwaan geliyey in uu Noqdey Wadankii koowaad ee lagu fuliyo sharciga cusub ee FIFA soo saartay kaas oo loogu mFIFA’s fair play.

Senegal ayey dhan kasta isaga mid Noqdeen Japan oo iyagana looga badiyey 1-0 markii ay lacayaareen Poland waxaase ay ku hareen sharciga Cusub ee Jaalayaasha Markii loo diiwaan geliyey in ay 3 Cayaarood ku qaateen 6 Jaale halka Japan ay qaateen 4 Jaale oo kaliya.

Macalinka Xulka qaranka Senegal Aliou Cisse ayaa sheegay in uu kala dar daarmay Cayaartoydiisa in ay qaataan jaalayaal Waxaana Cayaartii Colombia kahor ay qaateen 5 jaale iyada oo loogu daray mid uu qaatay Mbaye Niang halka Japan ay qaateen kulankii Colombia 1 Jaale.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook