Xildhibaanada baarlamaanka Norway oo mushaarka kororsaday

Baarlamaanka Norway ayaa mushaar koror u sameeyey xildhaanadiisa, kor u kicin dhan 2,4 boqolkiiba ama 26000 xildhibaankiiba, sida uu qoray wargeyska Aftenposteen.

Mushaarka xildhibaanada Norway oo horey u ahaa 928.602 krone sannadkii ayaa hadda noqonaya 954.602 oo krone marka lagu daro 26000 ee hadda lagu kordhiyey, taasoo ka dhigan bishii lacag ku dhow sideetan kun.

Mushaarka xagga xukuumadda xisaabadka sannadka waxaa ka muuqatay in mushaarka wasiiradu uu yahay 1.325.358 oo krone halka ra’iisul wasaare Erna Solberg (H) uu ahaa mushaarkeedu 1.631.346 oo krone.

Xisbiyada SV iyo Rødt ayaa qaba in mushaarkororkani uu yahay mid sareeya oo waali ah, kordhiyanaya farqiga u dhexeeya bulshada.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook