Xulka dalka Belgium-ka ee Koobka Aduunka oo laga ogaadey Joodariyadaal

Warbaahinta kala duwan ee caalamka ayaa soo saartay Sawiro muujinaya Jioodariyaasha loogu tala galay in ay ku seexdaan 23 ka Cayaaryahan ee dalka Belgium-ka u matali doonta koobka aduunka 2018.

Joodariyaasha ayaa lagu qoray sida lasheegay Magacyada 23 ka Cayaaryahan ee Macalinka dalka Belgium-ku ugu tala galay in ay Matalaan dalkiisa waxaana si qarsoodi ah looga qaaday Sawiro lafaafiyey kuwaas oo laga ogaadey Cayaartoyda uu u xushay koobka aduunka.

Xulka dalka Belgium-ka oo ay tababar qaadanayeen 28 Cayaaryahan ayaa laga soo reebay 23 waxaana Joodaraiyaasha Magacyadooda ka waayey Cayaartoyda kala ah Matz Sels, Christian Kabasele Jordan Lukaku, and Leander Dendoncker iyo Adnan Januzaj – kuwaas oo dhamaantood ka mid ahaa 28 ka Xiddig ee uu dhawaan magacaabay Macalinka dalka Belgium-ka Waxaana dhacday Fadeexad aad loogu Canbaareeyey Gudiga Jiifka iyo Cuntada u qaabilsan dalkaas.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook