Afhayeenka Wasaaradda Amniga DF oo Weerar Afka ah ku qaaday Madaxda DF

Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan suurgal aheyn in uu Qarax ka dhaco Magaalada Muqdisho xilli inta badan la xiray Wadooyinka Muqdisho.

Cabdcasiis Xildhibaan ayaa sheegay in ay jiraan saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ,kuwaasoo aan ka shaqeynin danaha umadda Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa sheegay in aysan dhici karin in dowladda Soomaaliya ay dadka Shacabka ah u sheegto warar aan macquul aheyn oo ah in qaraxii shalay la baari doono Ama lala xisaabtami doono cidii ka dambeysay.

Cabdicasiis Xildhibaan waxaa uu sheegay in aysan jirin isla xisaabtan ku aadan Mas’uuliyadda Madaxda Qaranka ee qaabilsan Ammaanka.

Afhayeenka ayaa muuqda in uu dhaliilay dowladda uu ka tirsan yahay, waxaana uu sheegay in uu dhibsaday wax aan jirin in uu dadka u sheego maalinwalba.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook