AKHRISO; Maamulka Hirshabeelle oo amar adag dul dhigay Wariyeyaasha ka dib baahinta Kiiskii Kufsiga+VIDEO

Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Hirshabeelle ayaa digniin u diray Wariyeyaasha madaxa banaan ee ka howlgala deegaanadeeda,kaasi oo ku aadan ineysan ku fududaan baahinta warar been abuur ah ama Kiis baaritaankiisa uu socdo.

Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle ayaa fartay Wariyeyaasha madaxa banaan iney ilaaliyaan anshaxa iyo Xeerka saxaafada,islamarkaana aysan baahin karin warar aan la hubin.

Amarka la dul dhigay wariyeyaasha ka howlagala Hirshabeelle gaar ahaan magaalada madaxda Jowhar ayaa ku soo aadaya xilli dood adag ka taagan tahay Kiis Kufsi ah oo lagula kacay Haweeney da’ah,kaasi oo ka dhacay Kaam ku yaalo magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe.

Booliska magaalada Jowhar ayaa saddex ruux oo lagu tuhmayo Kiiska Kufsiga u xiray,waxaana hadda ku socdo Baaritaan.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook