Axmed Madoobe oo Kismaayo ka soo celiyay Taliyaha cusub ee qeybta 43aad

Maamulka Jubbaland ayaa saaka garoonka diyaaradaha Kismaayo ka soo celiyay Wafdi Saraakiil ciidan ahaa oo ka yimid magaalada Muqdisho, kaasoo uu hoggaaminayay Taliyaha cusub ee qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Bogmadow.

Saraakiisha Amniga ee Maamulka Jubbaland ayaa is hor-taagay wafdigan inay gudaha u soo galaan magaalada Kismaayo, kuna amray inay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka soo kicitimeen.

Maamulka Jubbaland ayaa ka soo horjeestay magacaabida Taliyaha cusub ee qeybta 43aad ciidanka xoogga dalka, isla markaana aysan waafaqsaneyn heshiiskii Qaab dhismeedka Amniga ee bishii May sanadkii hore lagu gaaray Kismaayo.

Qodobka 20aad ee heshiiska qaab dhismeedka Amniga ayaa dhigaya hanaanka loo marayo hannaanka magacaabida Saraakiisha ciidamada ee dowlad goboleedyada in marka hore lagala tashto Madaxweynaha maamul goboleedka.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyay isku hayay maamulka taliska ciidamada xoogga dalka qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ee gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Ma ahan markii u horeysay oo Maamulka Jubbaland ay ka celiso garoonka Kismaayo mas’uuliyiin iyo saraakiil ka socota dowladda Federaalka, iyadoo horay Kismaayo laga soo celiyay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga iyo Abaanduulihii ciidamada xoogga dalka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook