DAAWO: Taliyihii Militariga Somaliland ee Aaga Talleex oo ladilay

Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland,Saleemaan Cali Koonna oo warbaahinta maanta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Gaashaanle sare Saleemaan Cabdi Caatey oo ahaa Taliyihii Militariga Somaliland ee Aaga Talleex ay jidgooyo ku dileen Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.

Sidoo kale,Wasiirka Biyaha Somaliland ayaa sheegay in dhaawac aa u culus uu soo gaaray Maayarka magaalada Talleex.

Wuxuu sheegay in Maamulka Puntland ay qorsheeyeen iney laayaan Mas’uuliyiinta Maamulka Somaliland ee magaalada Talleex,isagoo hadalkiisa intaasi ku daray in weerarka dilka ah uu yimid xilli mas’uuliyiinta Nabadeyn iyo raashiin qeybin u socdeen.

Wasiirka Biyaha Somaliland ayaa sheegay in Maaamulka Somaliland si deg deg ah uga jawaabayo dilka Taliyihii Militariga Somaliland ee Aaga Talleex.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook