Dhaqtarkii gaarka ahaa ee Max’ed Siyaad Barre oo saaka geeriyooday

Waxaa Magaalada Nairobi ku geeriyooday saaka Allaha u naxariistee Dr. Axmed Max’ed Xassan oo ku magac dheeraa (Foodcadde) oo ka mid ahaa dhakhaatiirtii Soomaaliya ugu magaca dheeraa tan iyo xiligii berisamaadkii

Axmed wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho sannadkii 1938-dii, Inta la ogyahay mar wuxuu ahaa dhakhtarka kali ah Soomaaliya oo dhan ee ka taqasusay daweynta Cudurada wadnaha.

Sidoo kale, Muddo dheer wuxuu ahaa dhakhtarka khaaska ah ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Sanadihii Lixdamaakii wuxuu noqday guddoomiyihii bisha cas ee Soomaaliya oo uu ku muteysatay abaalmarinno badan sida mid caalami ah oo ay siisay Hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah ICRC.

Boqorada Britain Queen Elizabeth ayaa guddoonsisay abaalmarintaas billadda ahayd oo bisha cas ee Soomaaliya ay ku muteysatay shaqadii bani-aadminimo ee ay qabatay.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook