Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku wajahan Xudur

Waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in magaalada Xudur ee gobolka Bakool ay tagaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sida qorshaha uu yahay, Guddoomiye Mursal oo deegaan doorashadiisu tahay degmadaasi ayaa la kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Sidoo kale, waxay kormeer ku tagi doonaan madaxdan xerooyin barakacayaal ah oo ay ku jiraan qoysas badan oo ka soo barakacay deegaanno ka mid ah gobolkaasi.

Ammaanka magaalada Xudur ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo degmadaasi ay ka mid tahay degmooyinka ay go’doomiyeen Al-shabaab.

Guddoomiyaha Golaha shacabka, Maxamed Mursal ayaa Labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Inta uu joogo Magaalada Xudur, waxa kale uu la kulmi doonaa Saraakiisha ciidamada AMISOM oo uu kala hadli doonaa ammaanka Degmadaasi iyo furitaanka wadooyinka Shabaab ay go’doomiyeen.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook